Uqaabilsanaha Doorashooyinka EU miss. Eva oo la kulantay KDQ

Uqaabilsanaha Doorashooyinka EU miss. Eva oo la kulantay KDQ
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

Guddida Kommishanka Doorashooyinka Qaranka oo maanta oo Axad ah Bishu tahay 24/09.17 kulan muhiim ah kula yeeshay xarunta KDQ uqaabilsanaha EU dhanka doorashooyinka Miss. Eva oo fadhigeedu yahay dalka Nairobi.
Kulankan oo laga wada hadlayey habsami u socodka hawlaha doorashooyinka iyo hawlaha u baahan in la dardargaliyo.
Labada dhinac waxa ay isla qaateen in ilaa hadda hawshu si rasmi ah u socoto laguna rajo weyn yahay in doorasho xor iyo xalaali ka dhacdo dalka Insha Allaah 13/11/17 ka.
Kulamadan oo ah kuwa is daba joog ah guddida KDQ kuna ay ugu bandhigayaan dhamaan dhinacyda ay khuseyso hawsha doorashooyinku hadba halka ay hawli u marayso, waxa la soo gaadhay waqtigii ay KDQ u gudbin lahaayeen hadba xaaladaha Doorashada dhaan daneeyayaasha doorashada iyo bulshada inteeda kalaba.
#Somaliland
Khadar Nouh
Sonsaf
@ VLOrenzoEU

Share this post