Kulanka KDQ, Rugta ganacsiga iyo ganacsatada Somaliland

Kulanka KDQ, Rugta ganacsiga iyo ganacsatada Somaliland
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

 
Guddida komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ku gudda jira hawlihii u diyaargarawga doorashada 13/11/17 ka, ayaa maanta oo Axad ah 24/09/17 kulan balaadhan la qaatay Rugta Ganacsiga Somaliland iyo xubno masuuliyiin iyo mulkiilayaal ah oo ka kala socday qaybaha ganacsatada waaween ee #somaliland xarunta KDQ.
Kulankan oo ahaa kii kowaad ee KDQ abid la yeesho ganacsatada warbixin iyo is xog wareysiba la yeesho ganacsatada Somaliland.
Kulankan oo ay u dhamaayeen dhamaan todobada xubnood ee KDQ waxa ku wehelinaayey madaxa hawl galinta Saeed Cismaan iyo madaxa saxaafada iyo xidhiidhka bulshada Saeed Sheekeye.
Kulankan oo uu furay Gudoomiyaha KDQ waxa uu warbixin kooban ka siiyay hawlaha Guddida KDQ iyo halka ay marayaan sidoo kalana soo dhaweeyey xubnahan sarsare ee ka soo qayb galay kulanka.
War bixin tafa-tiran oo ah diiwaan galintii, kaadh qaybintii iyo u diyaar garawga doorashada waxa halkaas ka soo jeedshay madaxa hawlgalinta (operation manager) Saeed Cisman.
Waxa sidoo kale goobta kalmado kooban ka soo jeedshay guddoomiyaha rugta Ganacsiga Maxamed shukri waxa uu ku amaanay KDQ xusida ay ka qayb galiyiin talo iyo tusaalaba doorashada dhamaan ganacsadayaasha iyi Rugta ganacsigaba, hawshaas oo uu ku tilmaamay horumar iyo wada shaqeyn loo baahnaa,
sidoo kale waxa kalmado duco iyo talaba u soo jeedshay KDQ asaga oo ku hadlaya afka ganacsadayaasha, Gudoomiyaha shirkada Dahabshiil Mudane Maxamed saciid kuna amaanay ilaa hadda sida ay hawshooda u wadaan KDQ uguna balan qaaday in ay barbar taagan yihiin ganacsatadu hawsha ay KDQ hayaan.
Siddoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in dhamaan ganacsatadu daneenayaan nabada marnabana ayna u dul qaadaneyn cid wadanka qas iyo dhib ku abuurta.
Gabagabaddii KDQ, Rugta Ganacsiga iyo ganacsataduba waxay si wada jir ah bulshada ugu soo gudbiyeen in Amaanka la ilaaliyo doorashadana sida ugu quruxda badan loo galo lagana fogaado waxii dalka wax yeelaya, sidoo kalana xisbiyada ugu baaqeyn in ay ilaashaan anshaxa uguna diyaargaroobaan doorashada si hufan wadaninimana ku jirto.
#somaliland

Share this post