Kulan KDQ, Ururada Saxaafada iyo Wasaarada Warfaafintu ku lafa gurayeen xeerka Saxaafada oo lagu qabtay Hotel Guuleed Maanta 19/09/17

Kulan KDQ, Ururada Saxaafada iyo Wasaarada Warfaafintu ku lafa gurayeen xeerka Saxaafada oo lagu qabtay Hotel Guuleed Maanta 19/09/17
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

 

 

 

 

 

Maanta oo bishu tahay 19/09/2017 waxa kulan lagaga hadlayey ama lagu falaqeynayay xeerka saxaafada ee Doorashada madaxtooyada  13/11/17 lagu soo bandhigay Hotel Guuleed. Kulankan oo ay ka soo qayb galeen Gudoomiyaha KDQ Abdiqaadir Iiman Warsame, Gudoomiye ku xigeynka KDQ Maxamuud Waceys iyo Komishaneer Cabdi Fataax Ibrahim. waxa kaloo ka mid aha aka soo qaybgalayaashii kulankan Wasiirka warfaafinta Mudane Cismaan Abdilahi Saxardiid, Xubno ka tirsan saddexda xisbi qaran, Ururka SOLJA, Ururka WIJA, Akadamiyada Nabada, SONSAF, Wasaarada warfaafinta masuuliyiin ka kala socda TVga io Radio Hargeysa, Saxaafada madaxa banaan iyo suxufiyeen kale oo ka kala socday ururada saxaafada.

 

 

 

 

 

 

Kulankan oo lagu soo bandhigaayay xeerka saxaafada ee KDQ dhanka Doorashada madaxtooyada oo ay soo gudbiyeen Garyaqaanka KDQ mudane Xasan Faarax Maxamed iyo madaxa Saxaafada iyo xidhiidhka Bulshada KDQ Eng Saciid Xasan Sheekeeeye.

Ugu horeyn waxa goobtaas soo dhaweyn iyo sharaxaad ka bixiyay Guddoomiyaha KDQ CabdiQaadir IImaan xeerkan iyo faa’iidada uu u leeyahay saxaafada iyo komishankaba, waxa kale oo uu u soo jeediyay dhamaan inta ay khuseyso xeerkani ee maanta iskugu yimi madashan in ay si qoto dheer u lafa guraan xeerkan wixii lagu darayo ama laga badelayana la isla eego si loo meelmariyo xeerkan.

Waxa kale oo halkaas hadal kooban ka soo jeedshay Wasiirka warfaafinta oo ku amaanay KDQ sida ay ugu dadaalayaan  uga fuliyeen hawlo badan oo ay ka mid ahaayeen kaadh qaybintii iyo diiwaangalintiiba, dhanka kale waxa uu yar iftiimiyay in meelo kooban u baahan yahay xeerku in dib loogu noqdo.

Xisbiyada qaranka, masuul ka socda SOLJa iyo Masuul ka socday dhanka Dumarka ururka saxaafada ee WIJA ayaa dhamaan hadalka qaatay iskuna wada raacay in loo baahan yahay in goobo kooban laga soo hagaajiyo xeerkan dibna la iakugu yimaado lana ansaxi maadaama waqtiga haday uu kooban yahay. Sidoo kalana waxa la isla qaatay in dib loo eego (baraha Social media ha).

Gabagabadii waxaa sharaxaad dheer ka bixiyay xeerkan iyo waxa loo baahan yahay dhanka xeerka saxaafada Garyaqaanka KDQ Xasan Faarax Mahamed oo ka dib u furay ka soo qayb galayaashii wixii su’aalo ahaa.

Gabagabadii waxa halkaas ku soo afmeeray kulankii Madaxa Saxaafada iyo xidhiidhka Bulashada ee KDQ Saciid Xasan Sheekeeye oo ugu mahad naqay ka soo qayb galayaashii kulankan.

Allaa mahad leh

Share this post