Kulan muhiim ah oo ka qabsoomay xarunta KDQ

Kulan muhiim ah oo ka qabsoomay xarunta KDQ
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

 

 

 

 

 

Guddida komishanka Doorashooyinka Qaranka, Guddida Anshaxa ee KDQ, Xubnaha xisbiyada qaranka (task force), madaxa hawlgalinta KDQ, Madaxa sharciyada KDQ, Madaxa wacyigalinta KDQ, ururada iyo hayadaha la shaqeeya KDQ iyo xubno taageerayaal ah oo dhamaan maanta shir ku yeeshay xarunta KDQ.
Shirkan oo ugu horeyn KDQ warbixin kaamil ah ka bixiyay diiwaan galintii, kaadh qaybintii ka qabsoontay lixda gobol ee dalka. Sidoo kalana ka warbixiyay sida ay u qabsoontay iyo wixii laga bartay hawlahaas muddadii lagu gudda jiray.


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa kale oo dhanka sharciyada u soo bandhigay xubnihii ka qayb galay kulankan madaxa sharci yaqaanka komishanka doorashooyinka qaranka oo halkaas ku guddoonsiiyay xubnahaas qoraalka sharciga doorashada ugana xog waramay xeer hoosaadyada ay soo gudbin doonaan dhawaan KDQ.
Sidoo kale waxa su’aalo ay soo gudbiyeen xubnihii ka qayb galay kulankan uga war bixiyay komishaneer Kaltuun Sheekh Xasan, ugu dambeyntii waxa soo gabagabeeyey Guddoomiyaha KDQ Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame.


#somaliland

@slnec.com

 

Share this post