Xidhitaanka wajigii kowaad ee kaadh qaybinta Sool iyo Sanaag

Xidhitaanka wajigii kowaad  ee kaadh qaybinta Sool iyo Sanaag
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

 

Waxa maalintii shalay 18/08/2017 si dhameystiran u soo xerooday shaqaalihii iyo agabkii kaadh qaadashad wajiga kowaad ee kaadh qaadashada labada gobol ee Sanaag iyo Sool marka laga reebo xarumaha kaadh qaadashada labada magaalo ee kala ah Ceerigaabo iyo Laascaanood oo ayana maanta ay si rasmi ah uga soo xeroon doonaan shaqaalihii iyo agabkii kadh qaadashu.
Diyaar garawga wajiga labaad oo socon doona mudo Afar iyo Toban casho ah ayaa maalinta bari ah bilaabmi doona haddii Alle idmo.
Guddida komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa ay dhamaan bulshadii aan qaadanin kaadhkooda wajigii kowaad ugu baaqayaan in ay ka faa’iideystaan oo ay qaataan kaadhkooda muddadan wajiga labaad socdo oo ah 14 casho.
Guddida KDQ waxa ay u mahad celinayaan dhamaan inta ka qayb qaadatay wajigii hore, ardaydii, ciidamadii iyo bulshadii ka faa’iideysatay wajigaa kowaad ee kaadh qaybinta labada gobol ee Sool iyo Sanaag.
#somaliland
SLNEC.COM

Share this post