Kormeerka goobaha kaadh qaybinta Gobolka Sool

Kormeerka goobaha kaadh qaybinta Gobolka Sool
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

Xubnaha Guddida kDQ ee ku sugan Gobolka Sool, Wasiirka Arimaha Gudaha, saraakiisha Ciidamada, xubnaha xisbiyada (task force) ee ka shaqeeya KDQ iyo madax kale oo badan ayaa maalintii shalay 13/08/2017 kormeer ku soo maray goobaha kaadhka codbixinta laga qaadanayo ee magaalada Laas caanood iyo goobaha ka baxsan, magaalada Caynaba iyo goobaha ka baxsan oo dhamaan kaadh qaybintu uga socoto si xowli ah. Masuuliyiintaas oo goobahaas kala hadlay bulshadii safafka u taagneyd kaadh qaadashada iyo Dadkii ay kula kulmeeen goobahaas ayaa ugu mahad naqay ugu horeyn sida dadaalka leh ee ay ugu jiraan in ay qaataan kaadhkood codbixinayd sidoo kalana ku amaanay amaanka iyo nidaamka sida ay u ilaalinayaan bulshadu.
@slnec2017
#somaliland

Share this post