KDQ oo ambabixiyay shaqaalihii kaadh qaybinta Gobolka Sanaag

KDQ oo ambabixiyay shaqaalihii kaadh qaybinta Gobolka Sanaag
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

 

 

 

 

 

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa maalintii shalay Jimce 11/08/2017 kala diray dhamaan agabkii, shaqaalihii iyo hawlwadeenadii ka hawl galaayay qaybinta kaadhka codbixinta Gobolka Sanaag.
Halkaas oo masuuliyiintii hawshaas qabanaayay dardaaran iyo fariimo adag looga sii jeediyay Jaamacada Ceerigaabo. Halkaas oo ay ka hadleen Komishaneer Saeed Cali Muuse, Komishaneer Cabdiraxmaan Cisman iyo komishaneer maxamed jaamac oo dhamaan dardaaran wax ku ool ah u jeediyay ardaydii iyo hawl wadeenadii kale ee u baxaayay qaybinta kaadhka codbixinta Gobolka Sanaag. Sidoo kale waxa halkaas kalmado kooban ka soo jeediyay xubnaha ka socday saddexda xisbi qaran iyo Gudoomiyaha Gobolka Sanaag iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday Jaamacad iyo Bulshada Ceerigaabo.


#somaliland
SLNEC.COM

Share this post