Daahfurkii Xaflada Kaadh qaybinta G/Maroodijeex

Daahfurkii Xaflada Kaadh qaybinta G/Maroodijeex
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

KDQ oo maanta ka daah furay qadashada kaadhka codbixinta gobol ee Maroodijeex. Xafladan Gobolka maroodijeex waxa ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeynka J/SL ahna ku simaha Madaxweynenimo ee J/Sl., Saddexda xisbi qaran, hayadaha kala duwan masuuliyiin, ardayda jaamacada ee ka qaybgalaysa kaadhqaybinta gobolka iyo bulshada inteeda kaleba.
Dhamaan masuuliyiintii halkaas ka hadlay waxa ay bulshada labad gobol Maroodijeex iyo Togdheer oo mar laga wada bilaabi doono kaadh qaadashada ugu baaqayn in ay ka faa’iideystaan fursadan kaadh qaadashada, sidoo kalana la shaqeeyaan KDQ una fududeeyaan sidii ay bulshada u gaadhsiin lahaayeen kaadhaka codbixiyaha.
 
Waxa gabagabadii Gudoomiyaha kDQ oo ka hadlay labadii gobol ee Awdal iyo Saaxil kuna amaanay sida hufan ee ay uga qabsoontay kaadh qaadashadu, kuna dhiiri galiyay labada gobol ee Maroodijeex iyo Togdheer in ay ka faa’iideystaan fursada kaadh qaadashada ee bilaabmi doonta 8da /July/2017.
Gabagabadii waxa soo afmeeray kulankan Madaxweyne ku xigaynka J/Sl kuna amaanay KDQ hawsha baaxada leh ee ay hayaan bulshadana ugu baaqay in ay kaadhka qaataan.

Share this post