Waaxda tababarada KDQ oo qalabkii tababarada u kala diray G/Maroodijeex & G/Togdheer

Waaxda tababarada KDQ oo qalabkii tababarada u kala diray G/Maroodijeex & G/Togdheer
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

KDQ waaxdiisa Tababarada ayaa maanta oo Salaaso ah, bishuna thay 27/June u kala Diray Qalabkii Tababarka shaqaalaha Kaadh qaybinta iyo masuuliyiintii ka hawl galaayay labada Gobal ee Maroodi jeex & Togdheer. Labadan Gobal oo ay ka bilaabmi doonto kaadh qaybintu 8deeda bishan July 2017ka.
Hawsha kaadh qaybinta waxa loo tababari doonaa Gobolka Maroodijeex shaqaale dhan 1000 qof, shaqaalahaas oo laga qaatay Jaamacadaha dooliga ah ee Jaamacada Hargeysa iyo qayb ah Jaamacada Timacade ee Gabiilay.
Dhanka kale waxa Gobolka Togdheer loo tababari doonaa shaqaale dhan 600 oo qof shaqaalahaas oo dhamaan laga qaatay Jaamacada dawliga ah ee Burco.
Tababarkan oo socon doona mudo afar casho ah waxa shaqaalahaas lagu tababari doonaa qaabka iyo hanaanka qaybinta kaadhka codbixiyaha iyo xadiga masuuliyadeed ee ka saaran hawsha kaadh qaybinta guud ahaan.
SLNEC.COM
#Somlailand

Share this post