Maayarka Degmada Berbera Cabdishakuur M Xasan oo Bulshada G/Saaxil ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan waqtiga u hadhay.

Maayarka Degmada Berbera Cabdishakuur M Xasan oo Bulshada G/Saaxil ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan waqtiga u hadhay.
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

Maayirka Degmada Berbera Mudane Cabdirashiid M Xasan (cidin), ayaa maanta ka soo qaatay kaadhkiisii codbixinta goobtii uu hore iskaga diiwaan galiyay. Maayarka oo ku faraxsan sida hawsha yar ee loo maamulay qaadashada kaadhka codbixinta, una kuurgalay habsami u socodka kaadh qaadashada, waxa uu marka kowaad aad ugu amaanay KDQ habka ay u soo dajiyeen in loo qaato kaadhka iyo siday u fududeeyeen in qof kasta si dhib yar ku qaadan karo kaadhkiisa codbixinta.

Dhanka kale waxa uu maayar Cabdishakuur ku booriyay bulshada reer Saaxil iyo gobolda kalaba in la qaato kaadhka codbixinta lagana faa’iideysto fursadan qaaliga ah ee KDQ u soo agaasiimeen bulshadu in ay ku qaadato kaadhkooda codbixinta.

 

Share this post