Qaybinta kaadhadhka Codbixinta oo Maalintii labaad si habsamiya uga socota Gobolada Saaxil, Awdal iyo Xeebaha Sanaag

Save pagePDF pageEmail pagePrint page

Waxa maalintii labaad si habsami ah uga socda in ka badan 260 gobood oo ku kala yaala Gobolada Awdal, Saaxil iyo Xeebaha Sanaag, waxay wararku sheegayaan dhamaan dadki iska diiwaangeliyay degaanadaas 2016 ay si habsami leh u qaadanayaan kaadhadhkoodi.

Dadweynaha ku dhaqan deganadaas ayaaa maalintii labaad safaf ugu jira siday u qaadan lahaayeen Kaadhadhkoodi codbixinta, kuwaas oo ay maalinta 13. Nov 2017 doorashada madaxtooyada ay ku dhiiban doonan codkooda.

Xubnaha KDQ ayaa kormeero kala duwan ku soo sameeyey habka ay u socdaan kaadh qaybintu, iyago la kulmay dadweynaha kala duwan ee safafka ugu jira qaadashada kaadhadhka codbixinta.

KDQ wuxu ugu baaqaya dhamaan muwadiniinta isu-diiwaangeliyay inay codkooda dhiibtaan inay ka fa’iidaystaan fursadan oo ay qaatan kaadhadhkooda codbixinta intaanay goobuhu ka xidhmin.

Share this post