KDQ oo Jaamacada Hargeysa ugu soo xidhay qaybtii labaad ee ardayda ka shaqayndoonta Goobaha.

KDQ oo Jaamacada Hargeysa ugu soo xidhay qaybtii labaad ee ardayda ka shaqayndoonta Goobaha.
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

Guddoomiyaha KDQ Eng. Cabdiqaadir Iiman iyo Afhayeenka KDQ Saciid Cali Muuse ayaa maanta u soo xidhay qaybtii labaad ee ardayda Jaamacada hargeysa ee ka hawl galaayay Goobaha codeynta.
Shaqaalahay ardayda ah ee hawshaas codeynta ka shaqeynaya ayaa dhaarin ka dib waxaa barxada weyn ee Jaamacada Hargeysa kula hadlay labada komishaneer iyo Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa.
Dhamaan masuuliyiintaasi waxay aad ugula dardaarmeyn ardadaas ka hawl galaysa goobaha fogfog ee gobolka Sanaag iyo goobaha kalaba in ay u diyaargaroobaan hawshaas kana sii tabaabusheystaan daruufaha adag ee ay ka soo shaqeyn doonann waqtiga Doorashada.
Sidoo kale waxa ay si gaar ah ula dardaarmeen ardayda maalinta bari ah u ambabixi doona Gobolka Sanaag.
#somaliland

Share this post