Tijaabada Habka Cod Bixinta Muwaadinka

Tijaabada Habka Cod Bixinta Muwaadinka
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa maanta uu Xaruntiisa Dhexe ku qabtay Doorasho Tijaabo ah, iyada oo halkaasi laga sameeyey Goob Codbixineed oo tijaabo ah si loo ogaado sida goobaha codbixintu u shaqaynayaan , Ujeedada guud ee laga laha Tijaabadan ayaa ahayad in la ogaado, 
 

 

  • Wakhtiga ay qofka ku qaadan karto inu codeeyo 
  • Habka iyo hanaanka loo maamulayo goobaha codbixinta
  • habka loo agaasimaayo agabka goobaha codbixinta 
  • Nooca tababarada iyo wacyegelinta ee bulshada & shaqaalaha KDQ u bahanayaan 
  • Khaladaadka suurta galka ah ee ay samayn karaan Shaqaalaha Goobaha codbixintu iyo khaldaadka ay samayn kara codbixiyayaashu marka ay calaamadinayaan warqadooda codbixinta 

 

Waxa KDQ kala soo qaybgalay tijaabadan Xisbiyada Qaranka oo iyaguna dusha kala socday habka iyo hanaanka loo agaasimaya goobtan codbixineed, Ururada bulshada iyo Jaamacada Hargeysa oo shaqaalaha goobta ka hawlgalayay keentay. 

Sida oo kale waxa goobtan kormeer iyo indho indhayn ku soo sameeyey masuuliyin sare oo ka socday Hayada USAID xafiiskooda Nairobi ee qaabilsan arimaha Doorashada.

KDQ ayaa dhamaan xogaha uga soo baxay tijaabadan ku dari doona qorshayaasha iyo bugaagta tababarada iyo wacygelinta ee bulshada iyo shaqaalaha KDQ la siin doono, si dhamaan wixi khaldaad iman kara maalinta doorashada loo sii ogaado isla markaan looga hortago. 

 

 

 

Share this post