Degmooyinkii cabashooyinku ka yimadeen intii lagu guda jiray kaadh qaybinta ee dib loo Saxay

Degmooyinkii cabashooyinku ka yimadeen intii lagu guda jiray kaadh qaybinta ee dib loo Saxay
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

Intii lagu guda jiray kaadh bixinta Doorashada Madaxtooyada waxaa Komishanka doorashooyinku saxeen cabashooyin kaga yimid goobo cayiman oo ka mid ahaa goobihii kaadhbixintu ka socotay, Cabashooyinkaas oo ay dhamaantood la saxay intii  ay socotay kaadh bixintu lana gaadh siiyey kaadhadhkii Isdiiwaangeliyayaasha cabanayey.

Komishanka Doorashooyinku waxa ay la socod siiyeen sadexda xisbi qaran sixitaanada lagu sameeyey cabashooyinka Degmooyinka hoos ku xusan.

#

Degmooyinka

1

Boorame

2

Baki

3

Hargeysa

4

Oodweyne

5

Gar’adag

6

Gar’adag

7

Laascaanood

 

Sida uu Komishanka Doorashooyinku ku bayaamiyey wakhtigii ay soo bandhigayeen liistada hordhaca ahayd ee Doorashada Madaxtooyada 2017  (Provisional Final Voter List) taariikhdu markay ahayd 14/09/2017  in aanay liistadaasi ahayd tii kama danbaysta ahayd balse la soo saari doono liistada kama-danbaysta(Final Voter List) marka la soo gabo-gabeeyo  kaadhbixinta loogu codaynaayo daarshada madaxtooyada taas oo macnaheedu ahaa in liistada hordhaca ah tiradeedu ay kordhi karto ama ka yaraan karto ta hordhaca ah.

#somaliland

@nec2017

@slnec2017

Allaa Mahad Leh

 

Share this post