Madaxwayne ku xigaynka J/SL oo kulan la yeeshay Guddida KDQ

Madaxwayne ku xigaynka J/SL oo kulan la yeeshay Guddida KDQ
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

Madaxweyne ku xigeynka J/SL mudane Cabdiraxman Cabdilahi Ismacil (saylici) ayaa maanta oo Khamiis ah bishuna tahay 28. Sep. 2017 kulan kula yeeshay Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland xaruntooda Hargeysa.
Kulankan oo ahaa kulan xog wareysi ah, waxa ay Guddida komishanka qaranku soo dhaweyn ka dib uga xaal warameyn Madaxweyne ku xigeynka Mudane Cabdiraxman Cabdilahi (saylici) halka ay u marreyso hawsha diyaargarawga doorashadu. Dhanka kale waxay uga warameyn in ayna jirin wax qabyo ka ah KDQ hawluhuna ay u socdaan sidii loo astaameeyey.
Madaxweyne ku xigeynka ayaa dhankiisa aad ugu amaanay KDQ hawsha baaxada leh ee ay ku jiraan ugaana balan qaaday dhanka xukuumada inay wixii ay KDQ uga baahdaan mar kasta diyaar loo yahay laguna taageerayo sidii doorasho xor iyo xalaali uga dhacdo dalka.
#Somaliland

Share this post