KDQ oo kulan la yeeshay Culuma’u Diinka

KDQ oo kulan la yeeshay Culuma’u Diinka
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

Kulamadii isdaba jooga ahaa ee mudadan ay wadeen Guddida KDQ oo shalay ay la kulmeen Ganacsatada iyo maamulka Rugta ganacsiga #somaliland.
Maanta waxa ay kulankoodii KDQ la qaateen Culuma’u Diinka oo ay warbixin iyo hawlaha komishanku halka ay marayaan uga xog waramay.
Kulankan oo noociisa oo kale aan loogu yeedhin hore xarunta KDQ Culuma’u diinka, ahna talaabo horumar ah kuna talaabsadeen KDQ in ay Culimada Diinta ay ka qayb qaataan hawlaha KDQ.
Warbixin iyo soo dhaweyn ka dib waxa ay Culumadu aad ugu amaaneen KDQ hawlaha ay qabteen ee dhanka Diiwaan galinta iyo Kaadh qaybintiiba, sidoo kale waxay uga mahad celiyeen hawsha ay dalka u hayaan iyo baaxada ay leedahay.
Warbixn ka dib waxa ay culumadu xasuusiyeen komishanka dhexdhexaad nimada ay u yihiin xisbiyada iyo muwaadiniinta u tartamaya doorashada madaxtooyada loona baahan yahay in ay komishanku muujiyaan cadaalad iyo dhexdhexaadnimo. 
 
Dhanka kale waxa ay culumadu balan qaadeen in ay dhankooda bulshada wacyi galindoonaan hawshana ay dhankooda ka hawl gali doonaan.
 
Gabagabdii waxa ay culumadu soo kormeereen hawlaha ka socda qaybaha KDQ halkaas oo ay aad ula dhaceen sida hufan ee hawsha KDQ u socoto.
 
Gabagabadii waxa Culimadu Alle uga Baryeen KDQ in uu hawsha u fududeeyo guulna ay Insha Allaah ku soo dhamaato doorashadu.
 
Allaa mahad Leh
NEC MEdia and Public Relation
Saeed Sheekeye

Share this post