KULAN AY WADA YEESHEEN KOMISHANKA DOORASHOOYINKA IYO GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE

KULAN AY WADA YEESHEEN KOMISHANKA DOORASHOOYINKA IYO GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

KULAN AY WADA YEESHEEN KOMISHANKA DOORASHOOYINKA IYO GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE OO LAGAGA HADLAY HABRAACA XALINTA  KHILAAFAADKA DOORASHOOYINKA
Kulan ay wada yeesheen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Mudane, Aadan Xaaji Cali Axmed iyo Komishanka Doorashooyiku ayaa lagaga wada hadlay hab-raaca loo mari doono xalinta iyo ka go’aan gaadhida cabashooyinka iyo muranada ka soo baxa xiliga doorashda horteed, doorashada dhexdeeda, iyo doorashada kadib. Kulanka oo ay ka soo qayb galeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xubnaha Komishanka iyo La-taliyaha Arrimaha Sharciga ee Komishanka ayaa labada dhinac waxa ay ku lafo-gureen hab-raaca xalinta muranadda iyo cabashooyinka doorashada.
Laba dhinac iyaga oo maanka ku haya ahmiyada weyn ee ay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ay u leedahay doorashada Madaxtooyaddu, isla markaana ogsoon in ay waajib tahay in cabashooyinka iyo muranada doorashada loo xaliyo sida ugu deg-degsiimaha badan, lagu xaliyo hanaan madax-banaan, daah-furan, loona siman yahay, oo waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda Waddanka, waxa ay isla garteen in hay’ad waliba iyadda oo u madax banaan masuuliyadeeda iyo waajibaadka ay saarayaan Dastuurka iyo Xeerarka Waddanku, la diyaariyo Hab-raacyada lagu xalinayo muranadda iyo cabashooyinka doorashooyinka.
#somaliland
@hassanbadde
@Nec2017
#somaliland

Share this post