Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo maanta kulamo la kala yeeshay Shir gudoonka Golaha guurtida iyo shir gudoonka Golaha Wakiilada

Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo maanta kulamo la kala yeeshay Shir gudoonka Golaha guurtida iyo shir gudoonka Golaha Wakiilada
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

 

 

Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo maanta kulamo la kala yeeshay Shir gudoonka Golaha guurtida iyo shir gudoonka Golaha Wakiilada.

 

 

 

 

 

 

Shirkan oo ugu horey ay Guddidu la yeelatay shir gudoonka Golaha wakiilada waxa shir gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Axmed Yasin Sheekh, waxa ku wahelinaaayay dhanka golaha Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiilade Mudane Cali Yuusuf, dhanka KDQ waxa joogay toddobada xubnood ee guddida kDQ oo uu horkacaayo Gudoomiyah KDQ Eng. Cabdi qaadir Iiman Warsame.

Sidoo kale dhanka Golaha Guurtida waxa shir gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida Mudane Saciid jaamac Cali.

 

 

 

 

 

 

Furitaan ka dib waxa warbixin kooban ka jeedisay goobta Komishaneer Kaltuun Sheekh Xasan, ayada oo ka hadashay  arimo dhoor ah:

  • In komishanku ugu horeyn tijaabiyay qorshihii diiwaan galinta codbixiyaha sanadkii 2015, iyada oo komisshanku hubiyay intaan la sameynin diiwaan galinta in dhamaan qalabka iyo nidaamka loo marayo diiwaan galintu tahay mid sax ah, kuna haboon carligeena.
  • KDQ wuxuu 16/01/2016 wadanka ka bilaabay diiwaan galinata codbixiyayaasha oo casri ah lana sawiray bu’da isha (Iris) taas oo guul ku soo dhamaatay bishii September 2016 ka dib markii lixda gobal diiwaan galinta lagu qabtay.
  • KDQ wuxuu si guul ah u diiwaan galiyay dad ka badan 873,000 oo qof oo dhamaan darfaha JSL ku kala nool si ay codkooda u dhiibtaan.
  • KDQ waxa uu daabacay dhamaan kaadhadhkii muwaadiniinta is diiwaan galiyay ka dib markii sida uu dhigayo xeerka diiwaan galinta ee xeer Ln. 37/2007 laga saaray dhamaan wixii laba jeer iyo ka badan isku dayey in ay is diiwaan galiyaan (Duplicates).
  • 29th April 2017 ayaa KDQ bilaabay qaybinta kaadhahka muwaadiniinta is diiwaan galisay oo socotay ilaa 3rd 2017 iyada oo KDQ tagay goob kasta oo diiwaan galin laga sameeyey sanadkii 2016ka.
  • Guulaha laga Gaadhay Diiwaan giant waxa ka mid ah:
  • In Nidaamka casriga ah ee bu’da isha(Iris) la sameeyo
  • In diiwaan nadiif ah maanta inoo aasaasmay.
  • In diiwaangalintu ku shaqaysay habka online.
  • In wadanka intiisa badan la gaadhsiiyey, markii ugu horeysayna la gaadhay deegaano ay ka mid tahay Degmada Taleex.
  • In maanta dhammaan dadka codka dhiibanaya haystaan kaadhka codbixnta.
  • In diiwaankani uu meesha ka saaryo xatooyada doorashada, ku celcelintii codeynta IWM.

Sidoo kale waxa halkaas hadalo ka soo jeedshay Komishanaeer Abdiraxmaan Cisman iyo komishaneer Cabdifataax Ibraahim sheikh oo si wada jir ah uga hadlay qodobadan hoos ku xusan:

Diyaar hgarawga Doorashada

  • Labadii bilood ee u dembeeyey wuxu KDQ ku waday diyaarainta hawlaha doorashada.
  • KDQ waxa uu dhameystiray Bixinta qandaraaska keenista iyo soo daabicida qalabkii Doorashada sida sanaduqda codbixinta, Waraqada codbixinta iyo qalabka kale ee loo adeegsado codeynta.
  • KDQ Wuxuu dajiyey Qorshayaashii shaqo ee lagu maamuli lahaa Doorashada kuwaas oo ah kuwo hufan isla markaasna Insha Alaahu wadanka u horseedi doona in ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ahi, kuna dhacda si nabadgalyo ah.
  • Jomishanku waxa uu dajiyay jadwalkii shaqada ee qabsoomida doorashada 13/11/2017.
  • KDQ waxa uu gacata ku hayaa qaarna dhameeyey siyaasadihii iyo habraacyadii lagu maamuli lahaa doorashada.
  • waxa hada socda gabagabana ku dhaw wada tashiyadii xeerarka anshaxa xisbiyada siyaasada iyo warbaahinta kala duwan ee doorashada, hawshan oo Insha Alaah dhawaan la saxeexi doono.
  • Waxa uu todobaadyadan KDQ ku hawlan yahay kulamada kala duwan ee daneeyayaasha arimaha doorashooyinka.

Shaqooyinka Hadda Socda

 

  • Waxa dhawaan wadanka la keeni doonaa qalabkii doorashada.
  • KDQ wuxuu sida uu xeerku dhigayo 45 Maalmood ka hor maalinta doorshada sameyn doonaaa Magacaabista Musharixiinta Xisbiyada Qaranka uaga Qayb geli doona doorashada madaxtooyada.
  • Waxa KDQ marka ay wakhtigeeda gaadho furi doonaa ololaha doorashada.
  • KDQ wuxu hadda gacanta ku hayaa tirinta iyo habaynta kaadhadhka ka soo noqday Gobolada waxaanu soo saari doonaa liiska kama dambayska ah ee codbixiyayaasha (FVT).
  • KDQ wuxu diyaarin doonaa isaga oo la kaashanaya dhinacyo badan diyaarinta shaqaalaha ka hawl galaya doorashada oo tiro kumanaan ah, siina doono tababaro kala duwan.
  • KDQ wuxuu bilaabi doonaa Wacyi galinta codbixiyayaasha sida ugu haboona u soo dhigi doono.

 

Allaa Mahad leh

#somaliland

@NEC2017

@SLNEC2017

Share this post