Kulan maanta ay isugu yimaadeen SONSAF iyo KDQ

Kulan maanta ay isugu yimaadeen SONSAF iyo KDQ
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

Kulan muhiim ah oo Guddida komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo xubno sarsare oo ka socday ururka SONSAF maanta ku dhaxmaray xarunta KDQ.
Kulankan oo ay masuuliyiinta SONSAF u soo bandhigeen sida ay ugu diyaarka yihiin dhankooda wadashaqaynta KDQ iyo hawlaha ay ka qaban doonaan dhanka doorashada 13/11/2017.
Sidoo kale waxa si guud mar ah loo eegay kaadh qaadashadii lixda doorasho Gobol ee la soo gabagabeeyay iyo sida ay uga qayb qaateen SONSAF.
Gabagabadii waxa la isla qaatay in hawsha doorashada oo mudo yari inaga xigto kulamo joogata ah la wada yeesho hadbana hawshu halka ay labada dhinacba u marayso la isla eego.
@sonsaf
#somaliland
@Nec2017

Share this post