Tababarkii shaqaalaha kaadh qaadashada degmooyinka Sool

Tababarkii shaqaalaha kaadh qaadashada degmooyinka Sool
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

Waxa maalintii shalay 05/07/2017 soo gaadhay Magaalada Laascaanood agabkii hawl galka  kaadh qaadashada ee Gobolka Sool, sidoo kale waxa maanta oo Isniin ah ka bilaabmay Jaamacada Nugaal tababarkii shaqaalaha Goobaha Degmooyinka Caynaba,Taleex iyo Xudun.

Tababaradan oo si isdaba joog ah uga socon doona Jaamacada Nugaal ee Gobolka Sool Magaalo madaxdiisa Laascaanood ilaa iyo 08/07/2017 halkaas oo marka tababarku dhamaado lagu dhaarin doono dhamaan shaqaalaha ardayda ah ee ka hawl gali doona qaadashada kaadhka codbixinta Gobolka Sool.
SLNEC.COM
#somaliland

Share this post