Kulan lagaga hadlayo arimaha wacyi galinta oo ka qabsoomay Ceerigaabo

Kulan lagaga hadlayo arimaha wacyi galinta oo ka qabsoomay Ceerigaabo
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

Xubnaha komishanka Doorashooyinka Qaranka ee ku sugan Gobolka Sanaag Maagaalo madaxdiisa Ceerigaabo iyo waaxda wacyigalinta KDQ oo maanta kulan khuseeya arimaha wacyigalinta la yeeshay xubno ka tirsan Salaadiinta, Cuqaasha iyo guddida xaafadaha Ceerigaabo.
Kulankan oo daarnaa sidii bulshada loogu wacyi galin lahaa qaadashada kaadhka codbixinta iyo sidii looga wada shaqayn lahaa hawlaha kaadh qaadashada mudada ay ka socoto gobolka. kulankan oo ku dhamaaday waji fiican loona balamay in sida ugu dhakhso badan loo dardar galiyo hawlaha wacyi galinta gobolka iyo magaaladaba.
#somaliland

Share this post