Xubno ka socda Guddida KDQ oo gaadhay Ceerigaabo

Xubno ka socda Guddida KDQ oo gaadhay Ceerigaabo
Save pagePDF pageEmail pagePrint page


CEERIGAABO,
Guddoomiyaha KDQ Eng. Cabdiqaadir Iiman, Guddoomiye ku xigeyka KDQ Maxamuud Wacays, Agaasiimaha guud KDQ Cabdiraxmaan Saciid iyo madaxa shaqaalaha KDQ mudane Abdirisaq ayaa socdaalkii ay ku marayeen labada Gobol ee Sool iyo Sanaag, maanta oo ah Isniin lixdii subaxnimo si diiran loogu soo dhaweeyay duleedka Magaalada Ceerigaabo, halkaas oo ay ka soo kicitimeen magaalada Ceel Afweyn, horana u soo mareen magaalada Garadag kulamana kula yeesheen masuuliyiinta labada magaalo Garadag iyo Ceelafweyn.
Xubnahan uu hogaaminayey Guddoomiyaha KDQ Eng. Cabdiqaadir Iimaan warsame waxa ay si toos ah u gudda galeen hawlahoodii shoqo ee ay u tageen Gobalka Sanaag.
Xubnaha KDQ ee heer Gobol ayaa warbixin ka siiyay gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka KDQ hawlaha KDQ heer Gobol kuna soo dhaweeyey gacmo furay iyo diyaar garaw ay u diyaar yihiin hawlaha laga bilaabi doono 12ka bisha August ee ah kaadh qaybinta cod bixiyaha gobolka.
#somalilnd

Share this post