KDQ oo kulan la yeeshay masuuliyiinta Degmada Garadag

KDQ oo kulan la yeeshay masuuliyiinta Degmada  Garadag
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

Guddoomiyaha KDQ Eng. Cabdiqaadir Iiman, Guddoomiye ku xigeyka KDQ Maxamuud Wacays, Agaasiimaha guud KDQ Cabdiraxmaan Saciid iyo madaxa shaqaalaha KDQ mudane Abdirisaq ayaa socdaalkii ay ku marayeen labada Gobol ee Sool iyo Sanaag, maanta oo Axad ah kulan kula yeeshay magaalada Garadag madaxda degmada Garadag iyo xubnaha masuulka uga ah KDQ degmada Garadag.
Kulankan oo muhiimadiisa lahaa waxa ay ka wada hadleen masuuliyiintani kaadh qaadashada codbixiyaha ee ka bilaabmi doonta labad Gobol 12 bisha August ee inagu soo fooda leh.
Sidoo kale waxa ay si qoto dheer ugala hadleen faa’iidada ugu jirta gobolka iyo dagmadaba qaadashada kaadhka codbixinta.
Markii kulankaasi soo afjarmay waxa ay xubnahani uga sii gudbayn socdaalkoodii dhanka magaalo madaxda Sanaag Ceerigaabo.
#somalilnd

Share this post