Save pagePDF pageEmail pagePrint page

 

Jimce 21/07/2017 waxa soo gaadhay Gobolka Sool magaalo madaxdiisa Laascaanood xubno ka tirsan KDQ oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha KDQ Cabdiqaadir Iiman, Guddoomiye ku xigeynka KDQ Maxamuud Wacays iyo Agaasiimaha guud KDQ Cabdiraxman saciid .
Xubnahan oo ujeedada safarkoodu yahay sii diyaarinta hawlaha kaadh qaybinta ka bilaabmi doona 12/August labada gobol ee Sool iyo Sanaag.
Xubnahani waxa ay socdaalkooda u sii dhaafi doonaan gobolka Sanaag magaalo madaxdiisa Ceerigaabo halkaas oo ay ka soo diyaarindoonaan sidoo kale hawlaha kaadh qaybinta ka bilaabmaya gobolkaas 12/07/2017.
 
Dhanka kale labada gobol ee ay ka socoto kaadh qaybintu, Gobolka Maroodijeex oo ay joogaan Komishaneer Cabdi Fatax Ibrahim iyo komishaneer Kaltuun Sheekh Xasan, halka gobolka Togdheer ay ku sugan yihiin Komishaneer Cabdiraxman Cisman, komishaneer Saciid cali muse iyo komishaneer Maxamed Jaamac, waxa ay kaadh qaybintu uga soctaa si xawli ah.
Komishaneeradu waxa ay ku boorinayaan bulshada labada Gobol Maroodijeex iyo Togdheer in ay ka faa’iideystaan waqtiga kooban ee u hadhay sidoo kalana ugu baaqayaan gobolka Sool iyo Sanaag in ay u diyaar garoobaan sidii ay u qaadan lahaayeen kaadhadhkooda marka ay ka bilaabmato labadaas gobol 12/07/2017.

Share this post