Madaxweynaha iyo Marwada kowaad oo qaatay kaadhkii codbixinta

Madaxweynaha iyo Marwada kowaad oo qaatay kaadhkii codbixinta
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

Madaxwayne Ahxmed Maxamed Siilaanyo, Marwada kowaad Aamina M. Jirde iyo Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi oo ay wehelinayaan, wasiiro, afhayeenka madaxtooyada iyo masuuliyiin kale oo badan ayaa maanta oo Salaaso ah bishuna tahay 18/07/2017 ka qaatay kaadhkoodii codbixnta xarunta Shaqaalaha magaalada Hargeysa.
 
Intaas ka dib wasiirka Madaxtooyada oo hadal kooban halkaa ka jeedshay ayaa sheegay in ay ka go’antahay in doorashadu waqtigeeda ku qabsoonto, sidoo kalana ay bishan soo socota labadii milyan ee u hadhsanaa komishanka doorashooyinka qaranka dhanka dhameystirka hawlaha doorashada ay u sii deyn doonaan haddii Alle yidhaahdo. Waxa uu wasiirku sidoo kale kula dardaarmay bulshada in ay qaataan kaadhkooda codbixinta oo ah kay ku dooran doonaan musharaxa ay doonayaan, waxaanu u mahad celiyay KDQ sida wanaagsan ee ay u wadaan hawsha kaadh qaybinta.
Gabagabadii waxa haddal kooban yiri Guddoomiyaha KDQ Eng. Cabdiqaadir Iiman Warsame asaga oo ku booriyay dadku in ay qaataan kaadhkooda kuna amaanay xukuumada sida ay uga soo baxday hawshii kaga aadanayd dhanka doorashada soo socota.
#somaliland

Share this post