Kormeerka Gudoomiyaha KDQ iyo xubno ka socday saddexda Xisbi Qaran

Kormeerka Gudoomiyaha KDQ iyo xubno ka socday saddexda Xisbi Qaran
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

 

Guddoomiyaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Eng. Cabdiqaadir Iiman Warsame iyo xubno ka socday saddexda xisbi qaran ayaa kormeer qaatay laba maalmood waxa ay ku soo gaalaa bixiyeen Bariga Gobolka Maroodijeex. Kormeerkan oo ahaa u kuur galid sida ay kaadh qaadashadu uga socoto goobaha degmooyinka iyo tuulooyinka bariga Gobolka Maroodijeex.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Muddadii ay kormeerka ku jireen waxa ay gudoomiyaha iyo xubnihii la socday ka dhageysteen wixii cabashooyin ah ee bulshadu u soo jeedisay. Sidoo kale waxa ay dhamaan dadkii goobahaas ay kula kulmeen ugu mahad celiyeen sida hawsha yar ee ay KDQ u soo qorsheeyeen in loo qaato kaadhadhka codbixinta. Sidoo kale waaxxa ay ku amaaneen dhanka wacyigalinta oo ay sheegeen in ay ka dardar badan tahay sidii barigii hore loo sameyn jiray dhanka wacyigalinta.

Gabagabadiiaxa ay ka codsadeen bulshadu in loo kordhiyo waqtiga ay haystaan se waxa runtii si fiican uga qanciyay aritaas Guddoomiyaha KDQ oo u sheegay in ayna suurtagal ahyen in aw wali haystaan muddo toddoba casho ah oo kale oo ay ka qaadan karaan degmooyinka guddeheeda.

   

 

 

Share this post