kormeerkii goobaha kaadh qaybinta (xarunta shaqaalaha)

kormeerkii goobaha kaadh qaybinta (xarunta shaqaalaha)
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

KDQ oo maanta lixdii subaxnimo si rasmi ah uga bilaabay labada Gobol Maroodijeex iyo Togdheer qaybinta kaadhka codbixinta.
Madaxweyne ku xigeynta Mudane Cabdiraxmaan Saylici ahna ku simaha madaxweyne ee J/SL ayaa soo kormeeray goobo ay ka socoto kaadhqaybinta Gobolka maroodijeex.
Guddida KDQ, Madaxweyne ku xigeynka iyo masuuliyiin ka socday saddexda xisbi qaran oo saxaafada kula hadlay goobta kaadh qaadashada ee xarunta shaqaalaha Hargeysa ayaa fariin ay u direen bulshada ku dhiiri galiyay in ay qaataan kaadhkood codbixineyd.


Sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeynku uga mahad naqay KDQ hawsha baaxada leh ee ay qaranka u hayaan, waxuuna sidoo kale uga digay saddexda xisbi qaran in ay jabiyaan heshiiska anshaxa ee KDQ ay la saxeexdeen, xisbiga jabiya hesiiskaasna lagala xisaabtami doono.
Gudoomiyah KDQ Eng. Cabdiqaadir Iiman ayaa xaqiijiyay in 342 goobood oo ah Maroodijeex iyo 212 goobood oo ah Togdheer ay wada gaadheen dhamaan agabkii iyo shaqaalihii ka hawlgalaayay goobahaas.

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in maanta lixdii subaxnimo dhamaan laga bilaabay kaadh qaybintii goobahaas.
Gudoomiyaha waxa uu uga digay bulshada in ay isku dayaan wax ka baxsan in ay qaataan kaadhkooda codbixineyd, sidoo kalana ay dhooraan hanaanka iyo nidaamka kaadh qaadashada.
#somaliland

Share this post