Hawl galkii kaadh qaybinta Gobolka Maroodijeex

Hawl galkii kaadh qaybinta Gobolka Maroodijeex
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

Xubnaha Guddida KDQ iyo shaqaalaha KDQ ee ku sugan Jaamacada hargeysa oo si rasmi ah ugu tiriyay ardaydii ka hawl galaysay qaybinta kaadhka codbixinta Gobolka Maroodijeex.
Ardaydaas oo mid kastaa tirsaday inta kaadh ee uu masuulka ka noqon doono iyo dhamaan agabkii goobta uu u ambabixi doono tirsaday. Wareysi aanu la yeelanay xubno ka mid ah Ardaydaas loo tiriyay kaadhadhkaas iyo agabkii ay ku hawl gali lahaayeen sidoo kalana loo fududeeyey dhaqaalihii iyo baahidoodii si ay si rasmi ah hawshooda u gutaan ayaa laga dareemayay farxad iyo in ay diyaar u yihiin hawshaas qabashadeeda.
Dhamaan ardaydaas oo ka koobnay Inamo iyo Hablaba waxa ay u diyaar garoobayeen sidii ay hawshaas uga soo bixi lahaayeen qarankoodana ugu soo hoyn lahaaayeen guul.

Share this post