KDQ oo soo gabogabeeyey qiimeynta iyo kala saarista shirkadaha soo dalbaday keenista Qalabka Doorashada 2017

KDQ oo soo gabogabeeyey qiimeynta iyo kala saarista shirkadaha soo dalbaday keenista Qalabka Doorashada 2017
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo soo gabogabeeyey qiimeynta iyo kala saarista shirkadaha soo dalbaday keenista Qalabka Doorashada 2017. Maanta waxa uu KDQ soo gunaanaday qiimeynta iyo kala saarista shirkadaha soo dalbaday keenista Qalabka lagu geli doono doorashada Madaxtooyada ee 13 Nov 2017Qandaraaska ayaa naadintiisa la bilaabay 24 May 2017, wuxuuna xidhmay 14 June 2017, iyada oo lagu naadiyey mareegta KDQ iyo mareego calamiya oo qandaraasyada lagu qoro. Waxa soo dalbaday qandaraaska shirkado kala duwan, qaybta hore ee keenista qalabka waxa soo dalbaday 8 shirkadood, qaybta danbe dabacadaan waxa soo dalbaday 9 shirkadood.
Qiimeynta iyo kala saarista waxa wada sameeyey KDQ iyo Haayada Creative International Associates gaar ahaan mashruuceda BUILD,
Qalabkan ayaa waxa keenistiisa iyo maalgelintiisa KDQ ka caawinaysa Haayada USAID ee dalka Maraykana oo soo marinaysa Haayada Creative International Associates gaar ahaan mashruuceda BUILD,
Arinta ayaa qayb ka ah u diyaar garowga Doorasahda Madaxtooyada Somaliland ee bisha Nov 2017, waana talaabo guul ah oo KDQ U qaaday dhanka diyaar garowga Doorashad Nov. 2017.

Share this post