KDQ oo kulan la qaatay ururadii ka qayb qaatay wacyigalinta kaadh qaadashada

KDQ oo kulan la qaatay ururadii ka qayb qaatay wacyigalinta kaadh qaadashada
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

 

Kulan xogiswareysi ah iyo dib u eegis arimaha wacyigalinta kaadhqaybinta oo ka qabsoontay Xarunta guud ee komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland.
Kulankan oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha KDQ waxa ka soo qayb galay ururadii ka hawl galayey wacyigalinta kaadhqaybinta lixda gobal, Dalada SONSAV, Skadamiyada nabada, waaxda wacyigalinta KDQ iyo waaxda saxaafada iyo xidhiidhka bulshada ee KDQ, xubno ka kala socday saddexda xisbi qaran iyo gudida ilaalinta (monitoring Group) KDQ.
Ugu horeyn waxa si kooban halkaas uga warbixisay Komishaneer Kaltun Sh. Xasan qaabka ay u socoto wacyi galintu iypo marxaladaha ay soo martay. Sidoo kale waxa ka hadashay dhanka waaxda wacyi galinta KDQ Muna oo si tafatiran uga war bixisay sida ay ula shaqeeyaan ururada qaata wacyigalinta ay bixiyaan hayaduhu.


Sidoo kale dhanka saxaafadaciid iyo siday ula shaqeeyaan TVyada, wargeysyada iyo dhamaan saxaafada waxa si kooban uga warbixiyay madaxa Xidhiidhka bulshada iyo saxaafada KDQ Eng. Saeed Hassan Sheekeye.
Kulankan oo ay iyana soo bandhigeen ururradii qaatay wacyigalintu habka shaqo ee ay u qabtaan hawshan kadibna halkaas su’aalo lagu weydiiyay waxa soo gabagabeeyey Gudoomiyaha KDQ Eng. Abdikadir Iiman Warsame oo aad ugu amaanay uguna dhiiri galiyay ururada wacyigalinta ka shaqeeya hawsha ay hayaan, kulana dardaarmay in ay sidaas iyo si ka sii badanba bulshada u gaadhsiiyaan fariinta wacyigalinta kaadh qaadashada.

Share this post