KDQ, maayarka caasimada iyo Guddoomiyaha G/Maroodi jeex oo kulan ku yeeshay Xarunta KDQ

KDQ, maayarka caasimada iyo Guddoomiyaha G/Maroodi jeex oo kulan ku yeeshay Xarunta KDQ
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

 
Xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa maanta oo Sabti ah kulan ku wada yeeshay xubno ka socda Guddida komishanka doorshooyinka qaranka, Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex iyo Maayarka caasimada Somaliland.
Kulankan oo lagaga hadlaayey kaadhqaybinta ka bilaabmi doonta gobolka 8da bishan July. Waxa ay dhinacyadu isla garteen in ay tahay hawl culus loona baahan yahay in si wadajir ah gacmaha la isku qabsado laguna dadaalo sidii bulshada gobolku u qadan lahaayeen kaadhadhkooda muddada ay kaadh bixintu socoto.
  

Share this post