KDQ oo warbixin Ka siiyay saddexda xisbi Qaran hawlaha KDQ

KDQ oo warbixin Ka siiyay saddexda xisbi Qaran hawlaha KDQ
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

 

 

 

 

 

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland waxa uu maanta la kulmay Hogaamiyayaasha Xisbiyada Qaranka oo ay ka wada hadleen arimaha kaadh qaybinta ka socota wadanka, casharadii laga bartay wajigii kobaad ee kaadh qaybinta ( Awdal, Saaxil iyo Goobaha Xeebaha Sanaag), diyaar garowga labada gobol ee hada bilaabmaaya ( Togdheer & Mardojeex) iyo diyaar garowga guud ee doorashada madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland.

 

 

 

 

 

 

KDQ wuxu xisbiyada Qaranka uga warbixiyey qandaraasyadii keenista qalabka doorashada oo dhawaan la baahiyey , Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo wakhtiyada loo bahan yahay in shaqooyinka la xidhiidha doorashada la soo dhamaystiro,  ku dhawaaqistii wakhtiga doorashada iyo dhaqaalaha doorashada madaxtooyada.

Sida oo kale KDQ iyo Saddexda Xisbi Qaran waxay isla qateen habka ay magacyada iyo astaamaha xisbiyadu ugu kala horaynayaan warqada codbixinta iyo qoraalada kale ee doorashada Madaxyooyada 2017 oo u dhacday hab daah furan oo qorituur ah.

Kulankan ayaa jawi is afgarad ah ku soo dhamaaday, waxaana uu kulankani qayb ka ahaa kulamada KDQ iyo Xisbiyada Qaranku isku waraystaan kolba halka ay marayso shaqadu.

Share this post