KDQ oo si rasmi ah u soo Gabagabeeyey qaybintii kaadh qaadashada G/Awdal, Saaxil & xeebaha G/Sanaag

KDQ oo si rasmi ah u soo Gabagabeeyey qaybintii kaadh qaadashada G/Awdal, Saaxil & xeebaha G/Sanaag
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

Xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee ku sugnaa Gobolda Awdal iyo Saaxil waxa ay si rasmi ah ugu soo xidheen una soo gabagabeeyeen qaybintii kaadh qaadashad codbixiyaha ee Gobolka Saaxil iyo Gobolka Awdal. Halkaas oo laba xafladood oo xidhitaan ah lagu kala qabtay magaalooyinka Boorame & Berbera.

Xubnaha guddida Komishanka qaranka waxa ay uga mahad celiyeen dhamaan masuuliyiintii Gobolada, xubnihii Xisbiyada ee la shaqeynayey, Ururadii iyo Shirkadihii ka qayb qaatay qaybinta kaadhka codbixinta ee mudooyinkii u dambeeyey ka socday G/Awdal, G/Saaxil iyo xeebaha G/sanaag.

Xubnaha Guddida KDQ, Maayerada Berbera, maayarka Boorame iyo masuuliyiintii kale ee goobahaas xafladaha ka hadlay, dhamaan waxa y u mahad celiyeen intii ka hawl gashay hawshaas kaadh qaybinta iyo sida nadiifta iyo xilkasnimada leh ee shacabku u soo baxeen una qaateen kaadhadhkoodii.

 

Sidoo kale waxay Masuuliyiintii goobahaas ka hadlay aad ugu dheeraadeen sida hufan ee aqoonta iyo maamul wanaagu ku jiro ee Komishanka Doorashooyinku Qaranku u soo habeeyeen qaybinta kaadhadhka codbixiyaha, sidookanana Alle uga baryeen in uu u fududeeyo Gobolada u hadhay.

 

Share this post