Wajigii labaad ee kaadh qaybinta Codbixiyaha G/Awdal iyo Saaxil

Wajigii labaad ee kaadh qaybinta Codbixiyaha G/Awdal iyo Saaxil
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

 

 

 

 

 

 

 

 

Xubnaha KDQ ee ku sugan Gobolada Awdal iyo Saaxil ayaa wajigii labaad ee kaadh Qaybinta Codbixiyaha ee Degmooyinka Saylac, Lughaya, Baki iyo Sheekh ee Gobolada Awdal iyo Saaxil u soo xidhay Goobahaas, Halka gudaha Magaalada Boorama iyo Berbera ay soo xidhimi doonaan 21ka bishan May saacadu markay tahay lixda galabnimo.

KDQ waxa ay dhamaan bulshada ku sugan Magaalo madaxda Gobolada Awdal (Boorama) iyo Saaxil (Berbera) ugu baaqayaan in ay ka faa’iidaystaan waqtiga kooban ee ka dhiman qaybintii kaadh codbixinta labada gobol.

Share this post