Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Masuuliyiinta Degmada Berbera iyo Gobolka Saaxil oo kulmay

Save pagePDF pageEmail pagePrint page

Xubnaha KDQ ee ku sugan Gobolka Saaxil ayaa saaka kulan kula yeeshay Xarunta Jaamacada Bada Magaalada Berbera Mayeerka Degmada Berbera Cabdishakhur M Xasan (Cidin) iyo Badhasaabka Gobolka Saaxil Jaamac Yusuf Axmed , Xubnaha KDQ ayaa masuuliyiintan kala hadlay u diyaar garowga wajiga labaad ee kaadh qaybinta oo ku soo ururi doonta goobaha Magalada Berbera iyo Degmada Sheekh.

Xubnaha KDQ iyo Masuuliyiintan ayaa ka wada hadlay xaruumaha lagu soo reebi doono Magaalada Berbera dhexdeeda iyo sidii gobahaas loo diyaarin laha, waxaan kulankaas ku soo dhamaaday is afgarad.

Share this post