Goobihii kaadh qaybinta degaanada miyiga Gobolada Awdal, Saaxil iyo Sanaag oo la soo afmeeray

Goobihii kaadh qaybinta degaanada miyiga Gobolada Awdal, Saaxil iyo Sanaag oo la soo afmeeray
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

 

 

 

 

 

Kooxaha kaadh qaybinta KDQ ee ka hawlgalaayay deegaanada miyiga ee Gobolada Awdal, Saaxil iyo xeebaha Gobolka Sanaag ayaa Maanta oo bishu ahaeyd 03/5/2017 saacadu markay aheyd 18:00 ku soo xerooday xarumahaKDQ ee Gobolka Awdal, Saaxil iyo Sanaag.

 

 

 

 

 

 

Kooxahaas oo si nabad qab ah badankoodu ku soo gaadhay xarumihii KDQ ee saddexda Gobol iyada oo qaar koodna wali ku soo jiraan safarkii ay kaga soo baxeen goobahii miyiga.

Maanta waxa soo xidhmay wajigii kowaad ee goobaha miyiga, waxaana u hadhay wajigii koowaad ee magaalooyinka mudo laba casho ah.

 

KDQ waxay ugu baaqayaan in bulshadu ka faa’iideyystaan fursadaas qaliga ah ayna dayicin waqtiga loo qoondeeyay saddexdaas Gobol in ay ku qaataan kaadhkooda cod bixinta.

 

Share this post