Xubnaha Komishanka Doorashooyinka ee ku sugan Gobolka Saaxil oo socdaal ugu kala baxay Deegaamada xeebaha Gobolka Saaxil iyo Degmada sheekh

Xubnaha Komishanka Doorashooyinka ee ku sugan Gobolka Saaxil oo socdaal ugu kala baxay Deegaamada xeebaha Gobolka Saaxil iyo Degmada sheekh
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

Xubnaha Komishanka Doorashooyinka ee ku sugan Gobolka Saaxil oo socdaal ugu kala baxay Deegaamada xeebaha Gobolka Saaxil iyo Degmada sheekh.

 

Xubnaha KDQ oo ay wehelinayaan hawl-wadayno ka socda shaqaalaha KDQ u qaabilsan goobaha laga bixinayo kaadhadhka codbixnta ayaa maanta kormeer ugu kala baxay deeganada laga bixinayo kaadhka codbixinta ee ku teedsan Bariga & Galbeedka xeebaha Gobolka Saaxil iyo deegaanada hoos yimaada Degmada Sheekh ee kaadh qaybintu ka socoto.

Xubnahan KDQ ayaa ugeedada socdaalkoodu yahay u kuur galista iyo soo kormeerida habka ay u socoto shaqada kaadh qaybintu. Sidoo kalana xubnahan KDQ waxay la soo kulmi doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee ku dhaqan deeganadaas si ay wax uga ogaadaan habsami u socodka hawsha iyo dareenka bulshadaba ku nool deegaamadaas ayb ka socoto kaadh qaadashadu.

Dhanka kale waxa ka socda xeebaha Gobolka Sanaag Kaadh qaybintii, hawshaas oo u socota si habsami ah. Wixii warar ah ee dhamaan goobaha ay ka socoto kaadh bixintu waxaad kaga bogan kartaan barahayaga:

www. SLNEC.COM

Facebook @nec2017

Twitter @slanec2017

Share this post