KAADH QAYBIN

Save pagePDF pageEmail pagePrint page

Hargeysa (KDQ)– April 29 2017

Waxaa saaka Labada Gobol ee Saaxil,  Awdal iyo Goobaha Xeebaha ee Gobolka Sanaag ka Bilaabmay Kaadh Qaybintii.

Dad badan oo aad u tiro badan ayaa Safaf u taagan sidii ay u qaadan lahaayeen Kaadh-ka Codbixiyaha, Kaadhkaas oo ah kuwa ay hadhaw dadkii Isdiiwaangeliyey ay ku Codayn doonaan.

Kaadh Qaybintu waxay qaadanaysaa muddo 21 Maalmood ah, Iyadoo ay Magaalooyinka Caasimadaha 7 Maalmood ay ka soconayso Goobaha Miyigana 5 Maalmood ay ka socon doonto.

Haddaba, Degmooyinka Goboladaasi wuxuu Kaadhku ooli doona muddo 14 Maalmood ah.

Share this post