Xaflada daahfurka kaadh qaybinta xeebaha Gobolka Sanaag

Xaflada daahfurka kaadh qaybinta xeebaha Gobolka Sanaag
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

 

  

KDQ ayaa maanta xafladii daahfurka qaybinta kaadhka codbixinta  ee goobaha xeebaha Sanaag oo ka koobantiro ahaan 13 Goobood ku qabtay Hoolka Jaamacada Sanaag ee Gobolka Sanaag.

Xafladan oo ay ka soo qaybgaleen Maamulka Gobolka Sanaag, Maamulka Degmada Ceerigaabo, Wakiilada Sadexda Xisbi Qaran ee Gobolka Sanaag iyo Bulshada gobalka Haweyn, Dhalinyaro iyo dhamaan bulshada inteeda kalaba ayaa si heersara ah uga qabsoontay hoolka Jaamacada Sanaag..

 

 

 

 

 

 

Xafladan oo uu hogaaaminayey Komishaneer Cabdiraxmaan Cismaan Aadan iyo agaasiimaha guud ee KDQ Cabdiraxmaan Saciid, waxa hadalo ka soo jeeiyay Gudoomiyaha Goboka Sanaaag iyo masuuliyiin kale oo ka socday waxgaradka aqoonyahanka iyo xubno ka socday saddexda xisbi Qaran ee heer gobol.

Gabagabadii waxa haaddal dardaaran ah u soo jeediyey shaqaalihii iyo masuuliyiintii ka hawlgalayay goobaha kaadh qaybinta ee xeebaha Gobolka Sanaag komishaneer Cabdiraxmaan Cisman iyo Agaasiimaha guud ee komishanka KDQ, kulana dardaarmay bulshada gobalka saaaxil gaar ahaan goobaha xeebaha ah in ay kaadhka qaataan kana faa’iideystaan fursadan qaaliga ah ee loo astaameeyey.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Allaa Mahade leh.

 

Share this post