Tababarkii Shaqaalaha kaadh qaybinta oo ka furmay Jaamacada Camuud

Tababarkii Shaqaalaha kaadh qaybinta oo ka furmay Jaamacada Camuud
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

  

23 April 2017, Waxa si rasmi ah Jaamacada Camuud uga bilaabay tababarkii shaqaalaha kaadh qaybita codixiyaha ee Gobolka Awdal, furitaankii tababarka waxaa ka hadalay xubno ka socday Komishanka Doorashooyinka Qaranka(KDQ) iyo madaxda Jaamacada Camuud, halkaas oo ay kula dardaarmeen shaqaalaha ka shaqayndoona qaybinta kaadhka Codbixiyaha ee Gobolka Awdal. Madaxda halkaas ka  hadashay waxay shaqaalaha u sheegeen masuuliyada saaran iyo waajibaadka laga doonayo maadama oo ay xilkaas kaadh qaybinta cobbixiyaha qaadeen.

Shaqaalaha maanta tababarku u furamay waa 480 kuwaas oo isugu jira Wiilal iyo gabdho dhamaantoodana waxaa laga qaatay Jaamacada Camuud, Tababarku waxaa uu soconayaa mudo afar cisho ah oo labada cisho ee hore waxaa galaaya tababarka 243 arday halka labada cisho ee danbana ay galayaan 237 arday.

Share this post