Habka uu Is-diiwaangeliyuhu u ogaan karo halka uu ka qaadanaayo kaadhka Codbixinta isaga oo isticmaalaaya Telafoon-gacmeed(Mobile)

Save pagePDF pageEmail pagePrint page

National Electoral Commission
​Date:22/04/17

Habka uu Is-diiwaangeliyuhu u ogaan karo halka uu ka qaadanaayo kaadhka Codbixinta isaga oo isticmaalaaya Telafoon-gacmeed(Mobile)

Hordhac:
Komishanka Doorashooyinka Qaranku iyaga oo addeegsanaaya farsamo kasta ama hanaan kasta oo ay ku gaadhsiinayaan fariimaha lagu ogaysiinaayo Is-diiwaangeliyayaasha codbixiyayaashu in ay qaataan kaadhka codbixinta xarumaha loogu tala galay in lagu qaybiyo, ayay hir-geliyeen hab cusub oo Muwaadinku (hadii uu is-diiwaangeliyey) ku ogaan karo goobta ama xarunta uu ka qaadanaayo Kaadhka Codbixinta isaga oo adeegsanaaya telafoonka gacanta(Mobile) . Habkan cusub waxa ka caawiyey shirkada Telesom

Maxaa looga baahan yahay Isdiiwaangeliyaha si uu u isticmaalo fariintan?
• Waa in uu haystaa xaashidii la siiyey wakhtigii uu is-diiwaangelinaayey ama uu garanayaa lumberka u gaarka ah isdiiwaangeliyaha eek a kooban 13 lumber
• Waa in uu haystaa Telafoon gacmeed(Mobile phone) ku shaqaynaaya SIM kaadhka Shirkada Telesom.

Habka loo isticmaalaayo

Si aad u ogaato halka aad kaadhka codbixinta ka qaadanayso raac hanaankan hoos ku xusan:
• Diyaari fariin ka kooban lumberka kaadhka codbixinta ee ku qoran xaashidii lagu siiyey wakhtigii aad is-diiwaangelinaysay
• Ku socodsii fariintaa kor ku xusan lumberka 353
• Waxa aad heli doontaa cabaaryar kabacdi mid ka mid ah fariimaha hoos ku xusan
1. Ka doono Kaadhkaaga Codabixinta xarunta “360 Guriga Shaqaalaha”
2. Waxa aad is-diiwaangelisay halmar wax kabadan
3. Lumberka kaadhka codaytu maaha mid jira

Sharaxaad:

➢ Hadii is diiwaangeliyuhu si sax ah isku diiwaangeliyey wakhtigii diiwaangelinta waxa uu helayaa fariinta u tilmaamaysa halka uu ka qaadanaayo kaadhka codbixinta.
➢ Hadii uu is-diiwaangeliyey hal mar wax kabadan waxaa uu helayaa fariin u sheegaysa in uu halmar wax kabadan isdiiwaangeliyey sidaa daraadeed muwaadinku heli maayo kaadh uu ku codeeyo.
➢ Hadii lumber khaldan aad dirtid waxa aad heli doontaa fariin kuu sheegaysa in lumberku aanu jirin,

Share this post