Warsaxaafadeed KDQ 12th April 2017

Warsaxaafadeed KDQ 12th April 2017
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

Date: 12th April 2017

                                                                         Warsaxafadeed

Mudanayaal iyo Marwooyin

Koomishanka Doorashooyinka Qaranku (KDQ) wuxu jecel yahay inu dhamaan bulshada Somaliland la socodsiiyo halka ay marayaan shaqada diyaar garowga kaadh qaybinta codbixiyayaashu. Sidaad la socotan 28th Mar 2017 KDQ wuxu daabacay jadwalka kaadh qaybinta Gobolada Somaliland iyo bilowga kaadh qaybinta ee labada gobol ee ugu horeeyay, laga so bilaabo malintaas KDQ wuxu fulinayay jadwalkiisa shaqo oo ah mid sidii loogu talo galay u socda.

Shaqada kaadh qaybintu waa arin sharciya oo ay sheegayan qodobada 11 iyo 39 ee xeerka diiwaangelinta muwadiininta iyo codbixiyayaashu Xeer Lr 37/2007, waana shaqo aad muhiim u ah si loo hubiyo in muwaadin kasta oo inu codkiisa bixiyo isku diiwaangeliyey uu helo wakhti uu ku sixi karo maclumadkiisa, sida Magacyadiisa, goobta codbixinta iwm. Isla markaan muwadin kasta uu si sax ah maalinta doorashada codkiisa u dhiiban karo, intaas kadibna qof kasta qaato kaadhkiisa codbixinta mudad ay socoto soo bandhigida liistooyinka iyo qaadashada kaadhadhka codbixintu.

 

KDQ waxa u qabsoomay arimo door ah oo ay kamid yihiin;-

  1. KDQ wuxu kulamo kala duwan la yeeshay Jaamacadaha Camuud Borama, Jaamacada Culuumta Bada iyo Kaluumaysiga iyo Jaamacada Golis ee Berbera, KDQ isaga oo kashanaaya Jamacadahaasi wuxu dhamaystiray shaqaalaynta ardayda ka hawlgeli doonta kaadh qaybinta Gobolada Awdal iyo Saaxil
  2. Todobaadkan KDQ wuxu heshiisyo wadashaqayn ah la galay in ka badan 13 Jara’id, 14 TV, iyo hal Idaacad (Radio Hargeysa) si ay fariimaha KDQ ee kaadh qaybinta iyo soo bandhigida liistoyinka hordhaca ah ugu gudbiyana bulshada isla markaana uga haqabtiraan dhamaan fariimaha muhiimka u ah shaqada KDQ. Laga so bilaaabo 1st April 2017 dhamaan bulsho weynta Somaliland waxay helayeen fariimaha KDQ oo ka baxaya dhamaan noocyada kala duwan ee warbaahinta iyo baraha warbaahinta KDQ. Sida oo kale dhawaan waxa KDQ iyo Hayadaha iyo Ururada aan dawliga ahayan ee la shaqeeya bilaabi doonan wacyigelin aad u qoto dheer oo gaadhi doonta goobkasta oo diiwaangelineed, si dhamaan muwadiniinta isdiiwaangeliyay u qaatan kaadhka codbixinta
  3. Maanta KDQ wuxu kala diraya 8 Kooxod oo soo qiimayn doona in ka badan 150 Gobood oo ay ka dhici doonta kaadh qaybinta codbixiyayaashu, shaqadan oo socon doonta inta u dhaxaysa 12th April 2017 – 18th April 2017. mudada ay shaqada ku guda jiraan koxahani waxay bulshada ku wacyegelin doonan bilowga kaadh qaybinta.
  4. KDQ wuxu kulama isdaba jog ah la yeeshay Xukuumada Somaliland, Xisbiyada Qaranka iyo Daneeyayaasha arimaha Doorashooyinka Somaliland si layskaga waraysto habsami u socodka shaqada KDQ gaar ahaan kaadh qaybinta, KDQ wuxu joogtayn doona la shaqaynta daneeyayaasha kala duwan ee arimaha Doorashooyinka Qaranka

 

Jadwalka Kaadhqaybinta Gobolada Awdal iyo Saaxil

S/No Shaqada Mudada(Malmo) Bilowga Dhamaadka Goobaha
1 Soo bandhigida liistoyinka  iyo qaybinta kaadhadhka codbixinta  Goobaha miyiga ah 5 29th April 2017 3rd May 2017 Dhamaan Gobaha Miyiga  Awdal, Saaxil iyo Xeebaha Sanaag
2 Soo bandhigida Liistoyinka iyo qaybinta kaadhadhka codbixinta gobaha magaloyinka  

7

 

29th April 2017

 

5th May 2017

Dhamaan Gobaha Casimadaha Gobolka  – (Magalooyinka Berbera and Borama )
3  

Mudada dheeriga ah ee Degmoyinka

 

14

 

6th May 2017

 

19th May 2017

Xafiisyada Degmooyinka oo kaliya = Saylac, Lughaya, Baki and Sheekh
4 Mudada dheeriga ah ee Casimadaha Gobolada  

14

 

8th May 2017

 

21st May 2017

Gobo kooban oo ah Casimadaha Gobolada (Berbera iyo Borama)

 

Waxaanu aad u jecelnahay inaan dhamaan muwadiniinta isdiiwangeliyay gaar ahaan Gobolada Awdal iyo Saaxil iyo xeebaha Sanaag ugu baaqno inay qaatan kaadhadhkooda codbixinta mudad ay socoto kaadh qaybintu, kana fogadaan dhamaan ficilada sharciga baal marsan.

Waxaanu sii wadi doona inaanu bulshada kolba ku wargelino halka shaqada KDQ maraysi todobaadkiiba hal mar.

Link: Warsaxafadeed – 12 April 2017

ALLA MAHAD LEH

 

Share this post