KDQ oo kulan kula yeeshay Xarunta KDQ Hayadaha Amniga S/Land

KDQ oo kulan kula yeeshay Xarunta KDQ Hayadaha Amniga S/Land
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

         

                                                                                                                             12th April 2017

KDQ oo kulan kula yeeshay Xarunta KDQ Hayadaha Amniga S/Land

Xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) waxa maanta oo Arboco ah taariikhduna tahay12/04/2017 ka dhacay kulan lagaga hadlaaayey xoojinta amaanka kaadh qaybinta labada Gobol ee Saaxil iyo Awdal iyo 12 goobood ee xeebaha Gobolka Sanaag ee ay ka bilaabmi doonto kaadh qaybintu dhamaadka bishan April.

Shirkan waxa ka qayb galay xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Wasiiru doolaha Gaashaandhiga iyo Taliyayaasha ciidamada Booliska iyo Maliteriga. Wadda hadal dheer iyo gorfayn ka dib waxa la isla gartay in xoojinta amaanka goobaha kaadh-bixintu ay muhiim tahay loona baahan yahay in si buuxda looga hawl galo. Arintaas oo si buuxda la iskula af-gartay kuna dhamaatay waji fiican.

Allaa Mahad leh

 

Share this post