KDQ oo kulan kula yeeshay Gobalka Awdal Ardayda ka hawl gali doonta qaybinta Kaadhadhka Codbixiyaha G/Awdal

KDQ oo kulan kula yeeshay Gobalka Awdal Ardayda ka hawl gali doonta qaybinta Kaadhadhka Codbixiyaha G/Awdal
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

Xubno ka socda KDQ oo kulan kula yeeshay maalintii Sabtida aheyd 08/04/2017 gobalka Awdal ardaydii ka hawl gali lahayd qaybinta kaadhadhka codbixiyaha Gobalka Awdal.  Gudoomiye ku xigeynka KDQ mudane Maxamuud Xasan Wacays, Komishaneer Kaltuun Sh, Xasan, Komishaneer Cabdifataax Ibraahim Sh. Xasan iyo Guddoomiyaha Jaamacada Camuud Pro. Sulaymaan oo si wadajir ah ula hadlay ardaydaas hawsha culus ka qayb qaadan doonta ayaa ugu horeyntiina ku amaanay sidii wanaagsanayd ee ay uga qayb qaateen hawshii diiwaan galinta codbixiyaha Gobolka Awdan, kuna dhiiriyay ardaydan in ay sidii iyo si ka sii fiican hawshan kaadh qaybinta uga hawl galaan maadaama ay maanta khibrad hore leeyihiin. 

Share this post