Guddida KDQ oo kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhurida Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Qasriga Madaxtooyada J/SL

Guddida KDQ oo kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhurida Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Qasriga Madaxtooyada J/SL
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) ayaa maanta 11/04/2017 kulan la yeeshay Madaxweynaha J. S/Land Axmed Maxamed Maxamuud. Kulankan oo ka dhacay xafiiska Madaxweynaha waxa KDQ u gudbiyeen madaxweynaha warbixin la xidhiidha halka ay hawsha u diyaar-garowga kaadh-qaybinta iyo doorashada madaxweynaha ee soo socta u marayso.

Xubnaha Guddida KDQ oo Sabtidii ka soo kala noqday Gobolada Awdal iyo Saaxil waxay madaxweynaha gaadhsiiyeen in hawlihii Kaadh-qaybinta bilaabmatay iyga oo soo diyaariyay shaqaalihii Jaamacadaha ee ka shaqaynaayay kaadh-qaybinta bilaabmi doonta 29 April.

Sidoo kale KDQ waxay u gudbiyeen Madaxweynaha qorshaha Kaadh-Qaybinta iyo doorashada oo faahfaahsan, arinkaas oo uu madaxweynuhu aad ugu riyaaqay kuna bogaadiyay KDQ. Kulankan waxaa kale oo kala soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka madaxtooyada.

Gabagabadii Madaxweynaha J. S/Land Axmed Maxamed Maxamuud ayaa KDQ ku booriyay hawsha ay Qaranka u hayaan ugana mahad naqay sida ay hawshooda u wataan uguna diyaargaroobeen fulinta hawlaha kaadh-qaybinta iyo doorashadaba.

Allaa Mahad leh

Share this post