KDQ oo kulmo is daba joog ah ku qabtay Jaamacada Bada Berbera

KDQ oo kulmo is daba joog ah ku qabtay Jaamacada Bada Berbera
Save pagePDF pageEmail pagePrint page


KDQ ayaa Jaamacada Bada Berbera maalintii Arbacada aheyd 5/4/2017 kula kulmay ardayda Jaamacada ee ka shaqayn doona kaadh qaybinta Gobolka Saaxil. Gudoomiyaha KDQ Eng. Cabdiqaadir Iimaan, komishaneer Saciid Ali muse iyo komishaneer Cabdiraxmaan ayaa si wadajir ah ula dardaarmay ardayda una sharaxy habka shaqada kaadh qaybintu u dhacayso KDQ.

Sidoo kale maanta oo Khamiis ah 06/4/2017 Guddida Komishanka Doorashooyinkuwaxa ay la kulmeen xubnaha “TOT” bixin doona tababarada waxayna kula sii dardaarmeen wanaajinta shaqadooda una sharaxeen shaqada ay qaban doonaan. waxa kale oo kulan xog iswaydaarsi iyo sharaxaad kula qaateen Jaamacad xubno ka mid ah wakiilada saddexda xisbi qaran ee Gobalka Saaxil.

Gabagabadii waxa ay maanta Khamiis ah 06/04/2017 war saxaafadeed ku qabteen Banaanka Jaamacada uguna sharaxeen saxaafada hawsha baaxada leh ee kaadh qaybinta ee dhamaadka bishan ka bilaabmi doonta Gobolka Saaxil.

Share this post