Xubno ka mid ah KDQ oo la kulmay Maamulka Jaamacada Badda ee Barbera

Xubno ka mid ah KDQ oo la kulmay Maamulka Jaamacada Badda ee Barbera
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

 

Xubnaha KDQ oo la kulmay Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Badda ee Barbera ee Gobolka Saaxil  kana wada hadlay arimaha kaadh qaynbinta ka bilaabmidoonta Gobolka Saaxil iyo xeebaha Gobolka Sanaag.

Waxayaalaha laga wada hadlay oo ahaa doorkii ay jaamacadu ka qaadan lahay kaadh qaybinta ka bilaabmi doonta Gobolka Saaxil dhamaadka bishan, sida ardaydii ka hawlgali lahayd kaadh qaybinta, fasaladii tababarka shaqaalaha lagu qaban lahaa, goobihii agabka KDQ lagu keedin lahaa iyo hawlaha kale ee looga baahan yahay Jaamacadu inay ku taageerto hawsha kaadh qaybinta. Dhamaan arimahaas oo la isla qaatay loona balamay hirgalintooda maalmaha soo socda.

Sidoo kale waxay xubnaha GDQ ku hambalyeeyey Jaamacada Badda ee Berbera sidii wanaagsaneyd ee ay ugula shaqeyeen xiligii diiwaangalintii codbixiyaha ee ka qabsoontay Gobolka Saaxil#somaliland

Share this post