Guddida Doorashooyinka Qaranka Oo Si Rasmi ah Ugu Dhawaaqay Jadwalka Kaadh-bixinta

Guddida Doorashooyinka Qaranka Oo Si Rasmi ah Ugu Dhawaaqay Jadwalka Kaadh-bixinta
Save pagePDF pageEmail pagePrint page

War Saxaafadeed

HARGEYESA-  27 Maarso- Guddida Doorashooyinka Qaranka  wuxuu maanta la wadaagaya farxada shacabka Soomaaliland ee helay raxmaadka Eebe, kanna jebiyey abbaartii dheerayd. Waxaanu Alle ka baryeynaa in uu inoo ka dhigo mid lagu badhaadho oo dalka oo dhan wada gaadha.

GDQ wuxuu maanta si rasmi ah ugu dhawaaqayaa in uu soo bandhigi doono jadwal qeexan oo faahfaahinaya hawsha kaadh-qaybinta codbixiyayaasha ee  JSL.

Kaadh-qaybintu waxay yeelanaysa saddex weji oo kala dambeeya, iyada oo wejigii walba laba Gobol ay mar ka wada bilaaban doonto Kaadh-qaybintu.

Ugu horaayn,WEJIGA KOOWAAD ee hawsha Kadh-qaybintu waxay mar ka wada bilaabanaysa labada Gobol ee kala ah Awdal iyo Saaxil iyo goobaha xeebaha ah ee Sanaag madaama sadexdaas Gobol ay xeebo leeyihiin, anagoo xeerinayna cimilada goobaha xeebaha dartood.

WEJIGA LABAAD  waxa kaadhadhka codbiyayaasha loo qaybin doona Gobolada Maroodi-Jeex iyo Togdheer.

WEJIGA SADDEXAAD  waxa lagu dhamaystiri doona Kaadh-qaybinta codbixiyayaasha ee Gobollada Sool iyo Sanaag.

Hadaba, wejiga kowaad ee Gobollada Awdal iyo Saaxil iyo Goobaha xeebaha ah ee Gobolka Saanaag, waxay qaybinta kaadhadhka codbixiyaashu ka bilaabmaysa  bisha April 29, 2017, iyadoo wejiga labaad iyo kan sadexaad ay kaadh-qaybintu bilaaban doonto Bisha baraykasan ee Ramadaan ka bacdi.

Waxaan  Eebe ka baryeyna in geedi-socodka doorashooyinka Qaranka  inoogu dhammaystiro si nabad gelyo leh oo guul ah.

Allah  Mahad leh

Share this post